Sheekada: Warqaddii Qarsoon
Fadumo waxay maalin kasta ka heli jirtay miiskeeda warqad yar oo qurux badan. Warqadda waxaa ku qornaa Qof ayaa ku jecel si aamusnaan ah.Muddo kadib ayay la yaabtay cidda soo dhigta. Maalin ayay aragtay wiil la yiraahdo Cabdi oo miiskeeda u soo socda Wuxuu ku yiri isagoo xishoonaya Warqadahaas aniga ayaa qorayay…sababtoo ah qalbigeyga ayaa ku doortay. Fadumo waxay u dhoolla cadeysay si deggan oo tiri Waxaan sugayay maalinta aad ii sheegto. Maalintaas waxay noqotay bilow jacayl cusub oo ay labadooduba muddo dheer qarinayeen.

Comments
Post a Comment