Skip to main content

WARARKA MAANTA


 Madaxweynaha oo isbitaalka ku booqday dhaawacyada Macawiisleyda reer Hiiraan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Isbitaalka Martiini (Demartino) ee Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ee xaaladda caafimaad loogu soo qaaday caasimadda.


Sideed iyo afartankii saac ee u dambeysay ayaa diyaarado helicoptero ah dhaawacyada Macawiisleyda lagu keenay Muqdisho, ka dib markii ay ku dhaawacmeen dagaaladii Sabtidii iyo Axaddii ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiiseyda ay maleeshiyada Al Shabaab kula galeen xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.


Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo u kuurgelayay xaaladda caafimaadeed ee Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa ku booqday isbitaalka lagu la tacaalayo xaaladdooda.


Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisu ay mudnaan gaar ah siineyso daryeelkooda caafimaad, isla-markaana ay ka go’an tahay inay bixiso dhammaan taageerada ay u baahan yihiin.


“Waxaad tihiin difaaca dadka, diinta, dalka iyo dowladnimada. Taariikhda ayaad baal dahab ah ka gasheen. Dowladda Soomaaliyeed mar walba way idiin garab taagan tahay.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaasi ka dib kormeeray qaybaha kala duwan ee isbitaalkan oo ku yaala Degmada Xamar Weyne, isagoona warbixin ka dhageystay maamulka isbitaalkaasi oo soo bandhigay adeegyada dadweyne ee uu Isbitaalku hadda bixiyo, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha horumarineed ee u degsan mustaqbalka.


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim iyo Madaxwayne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar.

Comments

Popular posts from this blog

Wararka maanta ciyaaraha

  Wararka ciyaaraha Man United Mise Tottenham? Roy Keane Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Europa League.

SHEEKO GAABAN

Sheeko gaaban  Sheeko yaro gabaan lakin wanaag hooyo ina tuuseysa ila akhriista  Nin qoraa ah ayaa sanadkii 2013 waxa uu qoray buug lamagac baxay my mother my love ayaa ah buug kahadlaayay hooyada. Waxaa lawaydiiyay sababta ku kaliftay waxa uu kujawaabay:-maalin maalmaha kamida markii aan jiray 12 ayaa habeen waxaa xanuun satay hooyaday waxana ay laheyd uur todobo bilood ah. Markii ay xanuunka dareentay ayaa waxaan iqabatay hurdo waana seexday,xili ay saacadu kubeegneyd 8:00 habeenimo ayaan soo baxay oo waxaa iqabatay kaadi,markii aan soo maraayey jigada ayaan waxaan dareemay sanqadh. Markii aan soo galay jigada ayaan arkay arin aan la'ooyay hooyaday oo xalay oo dhan xanuunsaneyd ayaa hada waxay dabka saareysaa shaah. Intaan soo orday ayaan iri hooyo maxaad usameyneysaa shaaha waaba xanuunsan tahay aniga ayaa kuu jooga oo karin lahaa,waxay igu tiri hadal aan waligey ilaabi doonin"hooyo xanuun walba oo aan dareemo waxaa kaweyn xanuun walba oo uu dareemayo ilmaheygu markuu kaajo...