Sheekada: Indhaha Aan Illaawin
Habeen qabow oo xiddigo badan leh ayay Hodan fadhiistay xeebta iyadoo ka fikiraysa nolosheeda. Waxaa u yimid wiil la yiraahdo Axmed oo si degan u yiri Maxaad u eegaysaa cirka sida qof wax ka raadinaya? Hodan waxay ku tiri Waxaan raadinayaa qof qalbigeyga fahmi kara. Axmed wuu qoslay oo yiri Waxaa laga yaabaa in qofkaas uu hadda hortaa taagan yahay Maalmo kadib waxay noqdeen laba qalbi oo aan kala maarmin. Axmed wuxuu mar walba ku oran jiray Indhahaaga markaan eego waxaan dareemaa in dunida oo dhan ay degtay Jacaylkoodii wuxuu noqday mid xooggan, ilaa ay ogaadeen in mararka qaar hal kulan yar uu noqdo bilowga jacayl nolosha beddela. ❤️

Comments
Post a Comment