Wararka ciyaaraha Man United Mise Tottenham? Roy Keane Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Europa League.
Madaxweynaha oo isbitaalka ku booqday dhaawacyada Macawiisleyda reer Hiiraan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Isbitaalka Martiini (Demartino) ee Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ee xaaladda caafimaad loogu soo qaaday caasimadda. Sideed iyo afartankii saac ee u dambeysay ayaa diyaarado helicoptero ah dhaawacyada Macawiisleyda lagu keenay Muqdisho, ka dib markii ay ku dhaawacmeen dagaaladii Sabtidii iyo Axaddii ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiiseyda ay maleeshiyada Al Shabaab kula galeen xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo u kuurgelayay xaaladda caafimaadeed ee Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa ku booqday isbitaalka lagu la tacaalayo xaaladdooda. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisu ay mudnaan gaar ah siineyso daryeelkooda caafimaad, isla-markaana ay ka go’an tahay inay bixiso dhammaan taageerada ay u baahan yihiin. “Waxaad tihiin difaaca dadka, diinta, d...